Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore

By Axmed
Last updated: June 5, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Iyadoo la tixraacayo baaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, jeediyey iyo farriintiisii Ciidul-Fidriga ee taariikhdu ahayd 30-ka Maarso 2025, kaasoo ku baaqay in la bilaabo wadatashi qaran oo ballaaran, Madaxweynaha ayaa gudagalay wadahadallo la xiriira arrimaha dalka oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha kala duwan ee heer Qaran. Ujeedada hindisahan waa in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka iyo aragtiyada hoggaamiyeyaashaasi, si looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran.

Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga goโ€™an yahay dhageysiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay madaxda Ururada Siyaasadda ee la diiwaangeliyey, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah kasoo qabtay dalka. Kulamadan waxay bixiyeen xog iyo aragtiyo qiimo leh oo ka tarjumaya baahida iyo himilada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo uu wadatashigu sii socdo, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, raโ€™iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore. Waxaa la filayaa in kulankan sare uu qabsoomo 15-ka Juun 2025, si waayo-aragnimadooda iyo taladooda looga faaโ€™iidaysto.

Kadib kulamadan, Madaxweynaha ayaa isugu yeeri doona Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, kaas oo qabsoomo doona 22-ka Juun 2025. Kulankaas ayaa lagu gorfeyn doonaa talooyinka kasoo baxa wadatashiyada, waxaana la filayaa in GWQ uu ka gaaro goโ€™aamo rasmi ah. Natiijooyinkaas ayaa markaa kadib la horgeyn doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo qaado tallaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama dastuur.

Geeddi-socodkan loo dhanyahay wuxuu ka tarjumayaa laba arrimood oo muhiim ah: in la dhiirrigeliyo wadatashi qaran iyo in la adkeeyo sharafta iyo madax-bannaanida hayโ€™adaha dastuuriga ah ee dalka. Kulanka madaxda hore wuxuu noqonayaa madal muhiim u ah talo-wadaag, halka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka oo ah hayโ€™adda keliya ee sharci-dejinta ay xaqiijin doonaan in goโ€™aamada lagu saleeyo hab-raaca dimuqraadiyadeed iyo sharciga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka goโ€™an in uu horumariyo hannaan Soomaaliyeed oo taladiisu tahay mid Soomaali leedahay, kaas oo ku saleysan xikmad Qaran wadajir iyo ilaalinta waajibaadka dastuuriga ah ee hayโ€™adaha dowladda.

-DHAMMAAD-

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto

Nairoobi(SONNA)--Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo…

WararkaWargayska
March 23, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo daah furay mashruuc cusub โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah…

Wararka
January 22, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ciidamada Qaranka ku dhiirageliyay ciribtirka Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminayo Hirshabeelle iyo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa weli ku sugan furimaha dagaalka…

GudahaWararka
March 9, 2025

Wariye Qeys oo maanta lagu aasay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb galay aaska Allaha u naxariistee Agaasimihii TV-ga…

GudahaWararka
October 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023