Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa ee Magaalada Muqdsiho.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka,gaat ahaan amniga, guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale oo ku saabsan arrimaha Xajka.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi ku ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga,kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga,waxaana soo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Xubnaha golaha ayaa mudadii uu socday shirkaasi ,halkaasi ku dhageystay warbixin ay soo jeediyeen guddigga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.