Weerarrada Israa’iil ee ka dhacay Gaza tan iyo waaberigii shalay ayaa lagu dilay 45 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan saddex carruur ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad iyo kuwa difaaca rayidka ah.
Weerarada sii socda ee Israel ayaa sababay cambaareyn caalami ah,gaar ahaan go’doominta Israa’iil ee ku soo kordhaya deegaanada Falastiin,waxayna saraakiisha Qaramada Midoobay iyo dadka u dooda xuquuqda ay dalbadee in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin la gaarsiiyo dhulalka Falastiin.
Dhinaca kale gawaari xamuul ah oo sidda cunto, biyo iyo dawo ayaa ku soo ururaya xudduudaha Gaza iyada oo xafiiska warbaahinta dawladda ee Marinka Gaza uu sheegay in ugu yaraan 57 Falastiiniyiin ah ay gaajo ugu dhinteen go’doominta Israa’iil ee dhulalka la heysto.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 52,495 ruux,waxaana ku dhaawacmay 118,366, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashada ka dhigeysa 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.