Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta oo weerar naf la caari ah ku soo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas lagu laayey dhagarqabayaal badan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la jebiyey Khawaarijta oo deegaanka Wargaadhi ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo cashir u dhigay cadowga.
Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim Intarfeer oo ku sugan deegaanka Wargaadhi ayaa sheegay in ay dileen 50 khawaarij ah,isla markaana hadda ay ku raad joogaan firxadka kooxdasi.
Ciidamada Qaranka oo deegaanka Wargaadhi ku dilay khawaarij badan
