Muqdisho,(SONNA):- Magaalada Muqdisho waxa ay marti galisay munaasabad lagu daahfurayay Ololaha Qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyaasha, taas oo ay ka soo qeyb galeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Shacabka, madaxda maamullka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Bartamaha todobaadkaan ayaa la qorsheenayaa in magaalada Muqdisho uu ka bilowda diiwaangalinta muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda, kuwaas oo la rejeynayo in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo bisha Juun.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baaralamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Abshirow oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daahfurka ayaa ka hadlay marxaladihii ay soo martay doorashada, waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo guddiga doorashooyinka, isaga oo sheegay dhibaatada laga dhaxli doona haddii aan lala shaqayn ay tahay in la joogi doona doorasho dadban oo dunida xilligaan laga aqoon.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo ka qeyb galay Daahfurkaan ayaa sheegay in fursad weyn ay tahay in woods dib loogu celiyo shacabka si ay iyagu go’aan ugu gaaraan cida hoggaanka u qabaneysa, wuxuuna aad usoo dhaweeyay in maalmaha soo socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga Bilbao Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Amiir ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay is diiwaangeliyaan isla markaana isku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah, isagoo xusay in la joogo waqti aan la dhihi karin isma dooran kartaan oo hoggaankiina ma dooran kartaan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabadda ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in bartamaha bishaan loo dareeri doona goobaha diiwaan galinta, “15-ka bishaan waxaa loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyaasha,” sida uu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yaboo, oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in todobaadkaan gudihiisa ay billaaban doonta diiwaan galinta dadweynaha, isaga oo yiri, “15-ka bishan sagaal ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa laga qabanayaa isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo cod.”
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in habka loo marayo diiwaangalin dadweynaha gobolka Banaadir ay mas’uul ka yihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka, ka maamul ahaan ayuu shaaciyey in ay bulshada gobolka ay ku wacyi galiyeen sidii ay isku diiwaan galin lahaayeen, waxa uu sidoo kale xusay in hadda ay ku wacyigalinayaan sidii ay doorashada qeyb lixaad ah ugu qaadan lahaayeen.