Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)
GudahaMaqaallada

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

By Kulane
Last updated: April 12, 2025
4 Min Read
Share

Mudisho.SONNA…Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta  ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aasaaskii Ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,waxayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka   Maaliyadda.2-Hoggaanka   Saadka.3-Hoggaanka   Tababarada.4-Hoggaanka   Dab damiska..5-Hoggaanka   Caafimaadka ,6-Hoggaanka   Isgaarsiinta.7-Hoggaanka   Dhismaha.8-Hoggaanka   Gaadiidka.9-Hoggaanka   Nabad-sugidda.10-Hoggaanka  Ciidanka,11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.12- Hoggaanka barista dembiyada.13-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka.14-Hoggaanka  Dib u dhiska ciidanka.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta  ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii Burburka & Soo Kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxaa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa xilligaan adag ee lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii,Madaxda dalka ayaa maanta dhambaallo hambalyo ah oo ku aadan xuska sanadguurada 65-aad hawada u mariyay dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Guud ahaan ciidanka waxaa loo rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝-𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐮𝐰𝐚𝐢𝐭

Kuwait City-(SONNA)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Kuwait…

GudahaWararka
January 8, 2025

Shirka Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad

Muqdisho-(SONNA)-Shirka Culimada Soomaaliyeed ee uu  iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo galay maalintii saddexaad ayaa waxaa looga…

GudahaWararka
January 25, 2023

Madaxweynaha JFS oo Khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si faah…

GudahaWararka
June 22, 2023

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Addis Ababa (SONNA): Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka…

GudahaWararka
February 16, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023