Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul iyo saraakiil kale ayaa la kulmay qeybaha bulshada ee ku dhaqan Degmada masagawaay oo ka tirsan Gobolka Gaalgaduud.
Xildhibaanka oo la hadlay dadweynaha degmadaasi ayaa yiri“waxaan arkaa muuqaal ka duwan Masagawaydii shalay, waxaanna u mahadcelinayaa saraakiisha ammaanka iyo Ciidanka xaq u dirirka ah”.
Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul,ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadweynaha Masagawaay,isagoo kula dardaarmay in ay garab istaagaan qeybaha ciidamada ee ku howlan la dagaalanka kooxaha argagixisada.