Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah
GudahaWararka

Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah

By Axmed
Last updated: April 10, 2025
2 Min Read
Share

Istanbul(SONNA):-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa heshiis istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo laga bilaabayo hawlgal sahamin shidaal oo lagu sameynayo dhulka gudaha Dalka (Onshore Blocks).

Heshiiskan muhiimka ah ayaa ka dhashay kulan wadatashi ah oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankaasi wuxuu daba socday wadahadallo miro-dhal ah oo horay uga dhacay magaalada Istanbul.

Intii uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday “Heshiiska Sahminta iyo Soo Saarista Kaarboon ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya”, waxaana heshiiskaas kala saxiixday Shirkadda Shidaalka ee Turkiga (TPAO) iyo Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (SPA).

Sida ku xusan heshiiska, Shirkadda TPAO waxay ka fulin doontaa Soomaaliya hawlo sahaminta dhulka ah (seismic surveys) oo laba-gees iyo saddex-gees ah (2D & 3D) oo lagu sameynayo saddex dhul oo isku wareeg ah 16,000 KM². Marka sahankaasi la dhameeyo, waxaa lagu guda geli doonaa hawlaha qodista iyadoo la tixraacayo natiijooyinka sahanka.

Tallaabadan cusub waxay astaan u tahay horumar dhab ah oo laga gaaray dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku horumarinayso kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, waxayna u gogol xaareysaa wejigii labaad ee sahaminta dhulka kadib dadaalladii hore ee lagu sameeyay badda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay ku rajo weyn tahay in iskaashigan uu noqon doono mid miro-dhal ah, kana qeyb qaata kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan loogu duceynayo Madaxweyne Siilaanyo oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho, (SONNA): Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo…

GudahaWararka
November 22, 2024

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ay khawaarijta ka fuliyeen Baladweyne

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran…

GudahaWararka
March 11, 2025

Shirka Hoggaamiyeyaasha Wadamada G20 oo taageeray in tallaalka COVID-19 laga dhigo mid loo simanyahay

Riyad (SONNA)- Hoggaamiyeyaasha 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ballan-qaadaya Axadda maanta ah si loo hubiyo in si…

Wararka
November 22, 2020

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐈𝐆𝐀𝐃

Muqdisho(SONNA):-Maar Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur goboleedka IGAD,…

GudahaWararka
March 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023