Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka
    February 16, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab
    February 16, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania
    February 16, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi
    February 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.
Maqaallada

Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.

By Kulane
Last updated: March 28, 2025
7 Min Read
Share

shirkii saddexaad ee Golaha Shacabka Qaranka ee 14-aad ee Shiinaha, shir jaraa’id oo diiradda lagu saaray arrimaha diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi wuxuu marar badan xusay mabda’a“wadatashi, wax wadaagid iyo wada dhisid” ee iskaashiga Shiinaha iyo dalalka kale.

Wuxuu ugu baaqay shacabka dalalka kala duwan inay midnimo muujiyaan si wadajir ah horumar loo gaadho, wuxuuna carabka ku adkeeyay in codka waddamada Koonfurta(Global South) la dhegeysto.

 Wang Yi wuxuu sidoo kale tilmaamay in Qorshaha Tobanka Tallaabo ee Iskaashi ee laga soo jeediyay Shir-madaxeedkii Beijing ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) si tartiib ah loo hirgelin doono si loo gaadho yoolka dhismaha Bulshada Dan Wadaagga ah ee Shiinaha iyo Afrika.

Hadalkiisa wuxuu si qoto dheer u muujiyay in fikradda dhaqameed ee Shiinaha ee (Tiānxia wéigōng) ay macnaheedu tahay “Adduunku eeDanta Guud” oo lugu dabbaqay xilligan casriga ah, taasoo muujineysa go’aanka adag ee Shiinaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo wadajirka caalamka.

Fikradda“Adduunyadu waa danta guud” waxay asal ahaan ka timid buugga dhaqameed ee Shiinaha “Liji”. Xilliyadii “Chunqiu” (Gu’ga iyo Dayrta) iyo Wakhtigii Zhanguo (Dawladaha Dagaalamaya), xilligii kala guurka ee ka dhexeeyay bulshooyinka addoonsiga iyo feudalism-ka, faylasuufyada Konfushiyuus(Confucius) waxay soo bandhigeen aragtida “Datong” (Dunida Wanaagsan) iyo “Adduunku eeDanta Guud” oo ah qaab ku dhisan caddaalad iyo sinaan.

Waxay aaminsanaayeen in daryeelka dadweynaha uu yahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee hoggaamiye, siyaasadduna waa inay saldhig u noqotaa caddaalad iyo sinnaan, iyagoo dhiirrigelinaysa wadajirka iyo nabadgelyada. Tan iyo markaas, “Adduunku eeDanta Guud”waxay noqotay riyo siyaasadeed oo sare, taasoo horumarinaysay fikradda xidhiidhka caalamiga ah ee Shiinaha.

Xilligan casriga ah, fikraddan waxaa lagu sii qotominayaa qaab cusub. Fikradda Bulsho leh mustaqbal ay wadaagaan aadanaha” waa horumarin hal-abuur leh oo laga dhaxlay aragtidan qadiimiga ah, taasoo muujineysa fahamka qoto dheer ee Shiinaha ee maamulka wanaagga ee caalamiga ah. Iyadoo wajahaysa halista hal dhinacaysiga  iyo ilaalinta danaha gaarka ah, dalalka soo koraya ayaa wada shaqeynaya si loo ilaaliyo is-afgaradka caalamiga ah iyo caddaaladda caalamka, taasoo si buuxda ula jaanqaadaysa fikradda “Adduunku ee Danta Guud”.

Dhismihii bulsho leh mustaqbal wadaagaan ee Shiinaha iyo Afrika waa tusaale cad oo muujinaya ficil ahaan mabda’a “Adduunku eeDanta Guud”. Tan iyo markii la aasaasay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), xidhiidhka labada dhinac wuxuu gaadhay horumar weyn.

Laga soo bilaabo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ilaa iskaashiga caafimaadka, laga soo bilaabo horumarinta xirfadaha ilaa hal-abuurnimada tiknoolajiyadda, iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu dhaliyay natiijooyin wanaagsan oo faa’iido u leh labada dhinac. Shiinaha wuxuu ahaa shuraakada ganacsi ee ugu weyn Afrika 16 sano oo xidhiidh ah. Shiinaha iyo Afrika waxay si wadajir ah u abuurteen madallo iskaashi oo guul wadaag ah, iyagoo dhaqan gelinaya mabda’a runta ah ee is-afgaradka caalamiga ah, si ay u horumariyaan qaab iskaashi caalami ah ee furfuran oo isku-dhafan.

Taasi waxay siineysaa dhammaan dhinacyada ka qaybqaadanaya fursad ay si wadajir ah ugu wajahaan caqabadaha cimillada, tiknoolajiyadda, iyo amniga, iyagoo xallinaya farqiga dhaqan-dhaqaale ee jira.

Dhismihii bulsho leh mustaqbal wadaagaan ee Shiinaha iyo Afrika wuxuu sidoo kale hogamiyey ama tayeeyay“Waddamada Koonfurta”(Global South) oo macno cusub helay.

Fikradda waddamada Koonfurta ayaa si weyn isu beddeshay. Hore, fikraddan waxaa lala xidhiidhin jiray horumar la’aanta, iyada oo inta badan lagu cabbiri jiray baahiyaha horumarineed ee waddamada Koonfurta. Si kastaba ha ahaatee, waddamadaKoonfurta casriga ah waxay muujineysaa wejiyo cusub, iyadoo si firfircoon uga qayb qaadaneysa maamulka caalamiga ah, ayna ku biirinayso xikmad iyo awood gaar ah horumarka adduunka.

Waddamada suuqa soo koraya iyo waddamada horumaraya waxay si weyn u kordhinayaan doorkooda kobaca dhaqaalaha adduunka, iyagoo noqday mishiinka muhiimka ah ee dib u soo kabashada dhaqaalaha caalamka. Geeddi-socodka warshadaynta, magaaloobista iyo horumarinta nidaamyada waxbarasho iyo dhaqanka ee waddamada Koonfurta waxay si weyn u ballaadhinayaan fursadaha kobaca dhaqaalaha caalamka.

Dhaqanka qani ah, waayo-aragnimada horumarka gaarka ah, iyo habab cusub oo maamul wanaag ah oo ay soo kordhiyeen waddamada Koonfurta waxay keenayaan fikrado cusub oo lagu wajahayo caqabadaha caalamiga ah. Laga soo bilaabo xikmadda Bariga ilaa Afrika, waddamada Koonfurta waxay dib u dhisayaan nidaamka aqooneed ee caalamiga ah. Si kooban, waddamada Koonfurta waxay ka gudbayaan doorkii ay ka ahaayeen kaliya qaate sharci, una guurayaan inay noqdaan sharcidejiyayaal. Waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaan dejinta qawaaniinta caalamiga ah ee la xidhiidha isbeddelka cimilada, dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyo maaliyadda caalamiga ah, iyagoo horumarinaya nidaamka maaraynta caalamka si uu noqdo mid cadaalad ah oo sinnaan ku dhisan.

Sida Konfushiyuus(Confucius) uu yidhi: “Saddex qofba mid baa macallin ii ah.” Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu Shiinaha si dhab ah ugu oggolaady inuu dareemo xikmadda iyo aawoodda Afrika, wuxuuna arkay doorka weyn ee Afrika ka ciyaari karto mustaqbalka.

Tani waa sababta Shiinaha u doorbidayo inuu xalliyo khilaafaadka iyo caqabadaha isagoo adeegsanaya midnimo, wax is dhaafsi, iyo wadahadal. Shiinaha iyo shuraakada Afrika oo ah xubin ka mid ah waddamadaKoonfurta, waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaan xasilloonida nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka. Iskaashiga waddamada  waddamadaKoonfurta si ay u gaadhaan casriyeyn waa dhacdo weyn oo taariikhi ah, taasoo noqon doonta horumar aan weligeed horey loo arag oo lagu gaadho marxaladda sare ee ilbaxnimada aadanaha.

Qorshaha Tobanka Tallaabo ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Shir-madaxeedkii Beijing waxaa la filayaa in si tartiib ah loo fuliyo sannadka 2025, iyadoo la gaadhi doono natiijooyin horudhac ah. Waxaa la rajeynayaa in shacabka Shiinaha iyo Afrika ay si wadajir ah ugu hamiyaan yoolka quruxda badan ee “Adduunku eeDanta Guud”, si ay uga shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalalkooda iyo dunida oo dhan, si loo dhiso beel caalami ah oo caddaalad, sinnaan, barwaaqo, iyo nabad ku dhisan.

W/Q Prof Li Hongfeng, oo ah Guddoomiyaha kulliyadda Barashada Afrika ee Jaamacadda Beijing Foreign Studies University.

 Turjumay: Prof. Abdilahi Ismail Abdilahi (Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka…

February 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan mar dhow u dabaal-degi doonaa Dalkeenna oo Khawaarij la’aan ah”

Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab fikirkooda gurracan ee lagu soo dhex qariyay ka been sheegidda Diinta Islaamka waa mid ku dhisan…

Maqaallada
July 9, 2023

‘Axmed Madoobe oo Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada kaligii ka haray’ (WARBIXIN)

Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed-Madoobe wuxuu muddo ahaa shakhisyaadka ugu cad-cad siyasaadda gobollada Jubbooyinka oo magaalada ugu…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
December 7, 2024

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 24, 2024

Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)

Markii la doortay ayuu Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in uu dagaal adag la gali doono Al-shabab oo uu…

GudahaMaqaallada
June 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023