Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris
    June 8, 2025
    Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri
    June 8, 2025
    Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka
    June 8, 2025
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.
Maqaallada

Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.

By Kulane
Last updated: March 28, 2025
7 Min Read
Share

shirkii saddexaad ee Golaha Shacabka Qaranka ee 14-aad ee Shiinaha, shir jaraa’id oo diiradda lagu saaray arrimaha diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi wuxuu marar badan xusay mabda’a“wadatashi, wax wadaagid iyo wada dhisid” ee iskaashiga Shiinaha iyo dalalka kale.

Wuxuu ugu baaqay shacabka dalalka kala duwan inay midnimo muujiyaan si wadajir ah horumar loo gaadho, wuxuuna carabka ku adkeeyay in codka waddamada Koonfurta(Global South) la dhegeysto.

 Wang Yi wuxuu sidoo kale tilmaamay in Qorshaha Tobanka Tallaabo ee Iskaashi ee laga soo jeediyay Shir-madaxeedkii Beijing ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) si tartiib ah loo hirgelin doono si loo gaadho yoolka dhismaha Bulshada Dan Wadaagga ah ee Shiinaha iyo Afrika.

Hadalkiisa wuxuu si qoto dheer u muujiyay in fikradda dhaqameed ee Shiinaha ee (Tiānxia wéigōng) ay macnaheedu tahay “Adduunku eeDanta Guud” oo lugu dabbaqay xilligan casriga ah, taasoo muujineysa go’aanka adag ee Shiinaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo wadajirka caalamka.

Fikradda“Adduunyadu waa danta guud” waxay asal ahaan ka timid buugga dhaqameed ee Shiinaha “Liji”. Xilliyadii “Chunqiu” (Gu’ga iyo Dayrta) iyo Wakhtigii Zhanguo (Dawladaha Dagaalamaya), xilligii kala guurka ee ka dhexeeyay bulshooyinka addoonsiga iyo feudalism-ka, faylasuufyada Konfushiyuus(Confucius) waxay soo bandhigeen aragtida “Datong” (Dunida Wanaagsan) iyo “Adduunku eeDanta Guud” oo ah qaab ku dhisan caddaalad iyo sinaan.

Waxay aaminsanaayeen in daryeelka dadweynaha uu yahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee hoggaamiye, siyaasadduna waa inay saldhig u noqotaa caddaalad iyo sinnaan, iyagoo dhiirrigelinaysa wadajirka iyo nabadgelyada. Tan iyo markaas, “Adduunku eeDanta Guud”waxay noqotay riyo siyaasadeed oo sare, taasoo horumarinaysay fikradda xidhiidhka caalamiga ah ee Shiinaha.

Xilligan casriga ah, fikraddan waxaa lagu sii qotominayaa qaab cusub. Fikradda Bulsho leh mustaqbal ay wadaagaan aadanaha” waa horumarin hal-abuur leh oo laga dhaxlay aragtidan qadiimiga ah, taasoo muujineysa fahamka qoto dheer ee Shiinaha ee maamulka wanaagga ee caalamiga ah. Iyadoo wajahaysa halista hal dhinacaysiga  iyo ilaalinta danaha gaarka ah, dalalka soo koraya ayaa wada shaqeynaya si loo ilaaliyo is-afgaradka caalamiga ah iyo caddaaladda caalamka, taasoo si buuxda ula jaanqaadaysa fikradda “Adduunku ee Danta Guud”.

Dhismihii bulsho leh mustaqbal wadaagaan ee Shiinaha iyo Afrika waa tusaale cad oo muujinaya ficil ahaan mabda’a “Adduunku eeDanta Guud”. Tan iyo markii la aasaasay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), xidhiidhka labada dhinac wuxuu gaadhay horumar weyn.

Laga soo bilaabo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ilaa iskaashiga caafimaadka, laga soo bilaabo horumarinta xirfadaha ilaa hal-abuurnimada tiknoolajiyadda, iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu dhaliyay natiijooyin wanaagsan oo faa’iido u leh labada dhinac. Shiinaha wuxuu ahaa shuraakada ganacsi ee ugu weyn Afrika 16 sano oo xidhiidh ah. Shiinaha iyo Afrika waxay si wadajir ah u abuurteen madallo iskaashi oo guul wadaag ah, iyagoo dhaqan gelinaya mabda’a runta ah ee is-afgaradka caalamiga ah, si ay u horumariyaan qaab iskaashi caalami ah ee furfuran oo isku-dhafan.

Taasi waxay siineysaa dhammaan dhinacyada ka qaybqaadanaya fursad ay si wadajir ah ugu wajahaan caqabadaha cimillada, tiknoolajiyadda, iyo amniga, iyagoo xallinaya farqiga dhaqan-dhaqaale ee jira.

Dhismihii bulsho leh mustaqbal wadaagaan ee Shiinaha iyo Afrika wuxuu sidoo kale hogamiyey ama tayeeyay“Waddamada Koonfurta”(Global South) oo macno cusub helay.

Fikradda waddamada Koonfurta ayaa si weyn isu beddeshay. Hore, fikraddan waxaa lala xidhiidhin jiray horumar la’aanta, iyada oo inta badan lagu cabbiri jiray baahiyaha horumarineed ee waddamada Koonfurta. Si kastaba ha ahaatee, waddamadaKoonfurta casriga ah waxay muujineysaa wejiyo cusub, iyadoo si firfircoon uga qayb qaadaneysa maamulka caalamiga ah, ayna ku biirinayso xikmad iyo awood gaar ah horumarka adduunka.

Waddamada suuqa soo koraya iyo waddamada horumaraya waxay si weyn u kordhinayaan doorkooda kobaca dhaqaalaha adduunka, iyagoo noqday mishiinka muhiimka ah ee dib u soo kabashada dhaqaalaha caalamka. Geeddi-socodka warshadaynta, magaaloobista iyo horumarinta nidaamyada waxbarasho iyo dhaqanka ee waddamada Koonfurta waxay si weyn u ballaadhinayaan fursadaha kobaca dhaqaalaha caalamka.

Dhaqanka qani ah, waayo-aragnimada horumarka gaarka ah, iyo habab cusub oo maamul wanaag ah oo ay soo kordhiyeen waddamada Koonfurta waxay keenayaan fikrado cusub oo lagu wajahayo caqabadaha caalamiga ah. Laga soo bilaabo xikmadda Bariga ilaa Afrika, waddamada Koonfurta waxay dib u dhisayaan nidaamka aqooneed ee caalamiga ah. Si kooban, waddamada Koonfurta waxay ka gudbayaan doorkii ay ka ahaayeen kaliya qaate sharci, una guurayaan inay noqdaan sharcidejiyayaal. Waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaan dejinta qawaaniinta caalamiga ah ee la xidhiidha isbeddelka cimilada, dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyo maaliyadda caalamiga ah, iyagoo horumarinaya nidaamka maaraynta caalamka si uu noqdo mid cadaalad ah oo sinnaan ku dhisan.

Sida Konfushiyuus(Confucius) uu yidhi: “Saddex qofba mid baa macallin ii ah.” Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika wuxuu Shiinaha si dhab ah ugu oggolaady inuu dareemo xikmadda iyo aawoodda Afrika, wuxuuna arkay doorka weyn ee Afrika ka ciyaari karto mustaqbalka.

Tani waa sababta Shiinaha u doorbidayo inuu xalliyo khilaafaadka iyo caqabadaha isagoo adeegsanaya midnimo, wax is dhaafsi, iyo wadahadal. Shiinaha iyo shuraakada Afrika oo ah xubin ka mid ah waddamadaKoonfurta, waxay si firfircoon uga qayb qaadanayaan xasilloonida nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka. Iskaashiga waddamada  waddamadaKoonfurta si ay u gaadhaan casriyeyn waa dhacdo weyn oo taariikhi ah, taasoo noqon doonta horumar aan weligeed horey loo arag oo lagu gaadho marxaladda sare ee ilbaxnimada aadanaha.

Qorshaha Tobanka Tallaabo ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Shir-madaxeedkii Beijing waxaa la filayaa in si tartiib ah loo fuliyo sannadka 2025, iyadoo la gaadhi doono natiijooyin horudhac ah. Waxaa la rajeynayaa in shacabka Shiinaha iyo Afrika ay si wadajir ah ugu hamiyaan yoolka quruxda badan ee “Adduunku eeDanta Guud”, si ay uga shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalalkooda iyo dunida oo dhan, si loo dhiso beel caalami ah oo caddaalad, sinnaan, barwaaqo, iyo nabad ku dhisan.

W/Q Prof Li Hongfeng, oo ah Guddoomiyaha kulliyadda Barashada Afrika ee Jaamacadda Beijing Foreign Studies University.

 Turjumay: Prof. Abdilahi Ismail Abdilahi (Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris…

June 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo lagu qabtay Baydhabo

Baydhabo(SONNA):-Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynaayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud looguna diyaar…

MaqaalladaWararka
November 25, 2023

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay…

Maqaallada
January 7, 2023

Cadaala “Gurigoodu waa godkaas, Ceelkoodu waa bacdaas, cuntadana ka sii daran” (WARBIXIN)

Wali waxaa socda abaabul ciidan ee ka kala socda Degmooyinka uu ka kooba yahay Maamul-goboleedka Galmudug ayay Degmada Caabudwaaq ee…

GudahaMaqaallada
August 21, 2023

Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Qurbejoogta Soomaaliyeed waxay bulshadda Soomaaliyeed ugu jiraan kaalin muhiim ah,hore xiliyada abaarraha,ama ay dhacaan aafooyinka dabiiciga ah waxa gurmadka iyo…

MaqaalladaWararka
February 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023