madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isku diyaarinaya inuu magaalada Washington DC ย kula kulmo Donald Trump, kadib markii xalay goor dambe uu gaaray Mareykanka.
Kulanka labada dhinac ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo gelinka dambe ee manta,waxaana looga hadli doonaa arrimmo ay kamid yihiin dhanka ganacsiga kheyraadka iyo xalka dagaalka Ukrine.
Madaxweynaja Ukraine ayaa la filayaa in uu saxiixi doono heshiis siinaya Mareykanka kheyraadka ama macdanta ku jirta dhulka Ukraine.ee uu u baahan yahay dalkaasi.
Zelensky waxa uu rajaynaya in uu helo dammaanad-qaad amni, kaas oo xoojinaya heshiis kasta oo nabadeed oo laga yaabo in lala galo Ruushka.
Kulanka ay wada yeelanayaan labada dhinac ayaa imaanaya,kadib markii Trump uu la kulmay raโiisul wasaaraha UK Keir Starmer