Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab 20-kii Febraayo 2025.
Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa la beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkreda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadjinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.