Hiiraan(SONNA):-Gobolka Hiiraan waxaa ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Khawaarijtu kaga dhuumanayso deegaanada gobolka Hiiraan.
Agaasimaha Haya’adda NISA Cabdillaahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) oo ay weheliyaan ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidamada deegaanka Cali Cusmaan Jayte iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa amarkii u dambeeyey ee dagaalka faray saaka Qaybaha kala duwan ee Ciidamada.
Agaasimaha Haya’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka oo halkaas kala hadlay Ciidamada ayaa yiri โWixii hadal iyo diyaargarow ahaa waa dhamaadeen, diyaar noqda dagaalka waa galeynaaโ.
Maalmaha soo aadan guud ahaan Hirshabelle waxaa dib uga bilaaban doona howlgalka cirib tirka kooxda Khawaarijta