Ugu yaraan 87 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 21 carruur ah iyo 25 haween ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo bilaabmaya Axadda soo socota.
“Qiyaastii 15 carruur ah ayaa maalin kasta lagu waramay in Gaza ay ku soo gaaraan dhaawacyo dagaal oo halisgalin kara noloshooda ,gaar ahaan dhinaca naafanimada” sidaasi waxaa yiri Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin .
Dhinaca kale,Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa la filayaa in ay maanta isugu yimaadaan kulan lagu ansixinayo heshiiska xabbad joojinta ee Qaza, sida ay wararku sheegayaan.
Laba ka mid ah wasiirrada xukuumadda midigta fog ee xagjirka ah ayaa ku hanjabaya inay iska casilayaan xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu haddii heshiiska xabbad joojinta Gaza la ansixiyo.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu galaaftay ugu yaraan 46,788 halka uu dhaawac ka soo gaaray 110,453 tan iyo Oktoobar 2023.