Looxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa maanta ku dhaqaaqay olole nadaafadeed oo laga sameeyay deegaanka xeebta Liido oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Dhallinyaradaan aqoonyahanka ah oo si muwaadinimo ah isu adeejiyayaa ku guuleystay in ay qaadaan bacaha iyo qashinka daadsan xeebta Liido,kaas oo la tilmaamay in uu saameyn xun ku yeelan karo dadka iyo xayawaanada ku jira biyaha badda.
Ololahaan ayaa qeyb ka ah soo celinta bilicda deegaanka caasimadda iyo fayoqabka bulshada,waxaana maanta howshaasi fuliyay dhallinyaro xilkas ah oo ka socotay ururka MBDO oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.
Qaar kamid ah dhallnyaradaasi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololha nadaafadeed,iyagoo horay u sameeyay dadaal lamid ah ololahaan oo ay ka hirgaliyeen qaar kamid ah kaamamka ku yaalla Muqdiho ee ay ku jiraan barakacayaasha.
Ololahaan ayaa daba socda amniga ka jira caasimadda,kaas oo keenay in dad badan oo Soomaali ah ay u soo damaashaad tagaan xeebta Liido.