Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo Martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo Martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania 
GudahaWararka

Soomaaliya oo Martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania 

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 19, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casho sharaf u sameysay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Tanzania, iyadoo la xoojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo sidii loo sahamin lahaa wadashaqeynta dhinacyada muhiimka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, Danjire Maxamuud Thabit Kombo, labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaqiijinta danaha wadaagga ah ee dhinacyada horumarka, amniga, iyo isdhexgalka Gobolka.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Fanka iyo Isboortiga ee Tanzania, Mudane Dr. Pindi Hazara Chana, iyo masuuliyiin kale kuwaas oo diiradda saaray horumarinta iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Wadashaqeynta caafimaadka ayaa si weyn u soo muuqatay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Tansaaniya, ay ka qeybgaleen munaasabadda.

Dhinaca difaaca, Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Tansaaniya, General Salum Haji Othman, si ay uga wada tashadaan istaraatiijiyadaha kor loogu qaadayo amniga iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mudane Xamse Xaadow, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabaddan heerka sare ahi waxa ay muujinayaa sida ay Soomaaliya iyo Tanzania uga go’an tahay kobcinta xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan, horumarinta labada dhinac, iyo iskaashiga gobolka si ay uga faa’iidaystaan labada dhinac.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ee EPL, Serie A, La Liga, Bundesliga iyo Ligue 1

Yurub(SONNA)-Kulammo dhowr ah oo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari…

CaalamkaCiyaaraha
October 26, 2019

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Talisyo cusub oo lagu kordhiyay Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka…

Gudaha
June 14, 2024

Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa

Muqdisho (SONNA): Wafdi iskugu jira dowladda Sweden, hay’adda horumarinta caalamka ee Sweden (SIDA) iyo madax ka socotay UNDP ayaa maanta…

GudahaWararka
April 30, 2024

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay dhammeystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo ciribtirka Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhaMmeystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka iyo…

GudahaWararka
May 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023