Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Shirka Amniga Qaranka oo looga hadlay Istaraatiijiyadda xoojinta Amniga Dalka 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Amniga Qaranka oo looga hadlay Istaraatiijiyadda xoojinta Amniga Dalka 
GudahaWararka

Shirka Amniga Qaranka oo looga hadlay Istaraatiijiyadda xoojinta Amniga Dalka 

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 15, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka .

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM .

Sidoo kale, shirka waxaa lagu lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa Guddigu waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka isgaarsiinta oo shir ku saabsan Teknolojiyadda uga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay shirweynaha…

GudahaWararka
July 8, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Pretoria kula kulmay dhiggiisa South Africa oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga labo geesoodka

Pretoria(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, yaa maanta oo Jimce ah kula kulmay magaalada Pretoria, dhiggiisa,…

GudahaWararka
July 4, 2025

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Boosaso(SONNA):-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish.…

GudahaWararka
September 23, 2023

Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Yaasiin oo shir guddoomisay Kalfadhiga 2aad kulankiisa 25aad ee Golaha Shacabka BJFS

Muqdisho(SONNNA):-Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 2aad kulankiisa 25aad ee Golaha…

GudahaWararka
March 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023