Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.
โTallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrikaโ, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay ย wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .
Bayaankaan ย ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga goโan tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.
War saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.
Dhowaan ayeey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara ,iyagoo xaqiijiyayย ย ixtiraam iyo sida ay uga goโan tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed, sida laga soo xigtay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga