Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo agaasime ku xigeenka Isbitalka Banaadir Dr. Amina Hassan Hussein oo howlo shaqo u joogay dalka Finland ayaa booqashooyin ku tagey xarumo Caafimaad oo ku yaala dalkaasi si khibradaha iyo aqoonta la isku dhaafsado taasoo ka qeyb qaadan karta in Isbitaalka Banaadir la sii horumariyo howlaha shaqo ee uu u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed.
Agaasimayaasha ayaa inta ay ku sugnaayeen dalkaasi waxey kulamo la qaateen Heyโadda IOM ,machadka Caafimaadka Qaranka, Maamulada Isbitalada iyo Jaamacadda ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, ayagoo sidoo kalena la kulmay bahda Caafimaadka ku sugan ee dalkaasi.
Ujeedada booqashada ayaa aheyd horumarinta adeega Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka loogana wada shaqeyn lahaa kor uqaadida xirfadlayaasha Caafimaadka sida tababarada shaqaalaha iyo helida qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.
Dadaaladan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin siyaasada ay Wasaaradda Caafimaadka ku yareynayso sababaha keena dhimashada Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, dalka Finland ayaa ah dalalka sida weyn ugu hormarsan arrimaha Caafimaadka gaar ahaa Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka.