Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo haatan uu ahaa Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa Marxuumka Ilaahay SWT uga baryey inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed-na uu samir iyo iimaan ka siiyo.
INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.