Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga hadlayo ๐๐๐๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha.
Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajoodka Deyn Cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale iyo adeeg bulsho.
Shirkaan oo socon doona ilaa iyo galinka dambe ee maanta ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah horumarinta dakhliga Dowladda iyo Heshiiska Bulshada ee horumarinta dhaqaala.