Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka
GudahaWararka

Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

By Kanaava Mohamed
Last updated: November 26, 2024
3 Min Read
Share

Jabuuti(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee shalay ka furmay Jabuuti ayaa ka hadlay muhiimadda maalgashiga uu u leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

“Haddii sharciyada UN, AU, iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqangeliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa’iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda, wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xadgudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay Xarunta AU Addis-Abbaba ee dowladda Ethiopia kula kacday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Mar uu Madaxweynaheena H.E. Hassan Sheikh ka qeybgalayay shir ka dhacay Xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xadgudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayaa ‘Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.’

Madashan ayaa inta ay socota Waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa martigelinaya hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, iyo nabadda Gobolka, kuwaas oo kala yimid deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo daafaha dunida, si ay khibraddooda iyo aqoontooda ugu biiriyaan doodaha iyo aqoon-iswaydaarsiga ka dhacaya madasha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Diyaarad ay leedahay shirkadda Jet oo shil ku gashay garoonka Ceelbarde ee gobolka Bakool

Muqdisho (SONNA) Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay diyaarad maanta shil ku gashay ee Garoonka Ceelbarde ee…

GudahaWararka
January 18, 2024

Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtay

Muqdisho(SONNA):-Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtay Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen…

MaqaalladaWararka
April 11, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Qaar kamid ah…

GudahaWararka
December 16, 2021

Hindiya: 24 ruux oo  ku dhintay daadad ku dhuftay gobolka Kerala:

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay koonfurta Dalka Hindiya, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023