Muqdisho (SONNA): Wasiiru dowlaha Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen oo uu wehliyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo ay ka socotay mashruuc indho-fiiqis ah islamarkaana ay ka faaideysteen ku dhawaad 2,000 (Laba kun) oo ruux oo kasoo jeeda qoysaska danta yar.
Markaska Boqor Salmaan ee boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa fuliyey mashruucan indha fiiqista ah, iyaga oo ka jawaabaya codsiga Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ee la xariira taageerada mashruuca daweynta indhaha dadka danta yar.
Agaasimaha waaxda cafimaadka dowladda hoose ee Xamar iyo Agaasimaha Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir Drs Fartuun Shariif Maxamed ayaa kormeerkan qeyb ka ahaa iyaga oo uga mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir sida ay uga goโan tahay horumarinta howlaha samafalka la xariira.