Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun