Muqdisho, (SONNA):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorashooyinkii madaxtinimada iyo xisbiyada ee ka dhacay Somaliland, iyadoo ugu hambalyeysay shacabka iyo maamulka Somaliland hirgelinta hannaanka dimoqoraadiga ah.
Qoraal warsaxaafadeed ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu bogaadiyey maamulka Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga, iyo musharaxiintii tartamay sida ay u ilaaliyeen xasilloonida iyo nabadda inta lagu guda jiray doorashooyinka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hannaanka doorashooyinka, laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ololaha doorashada, codbixinta, iyo kalsoonida uu muujiyay guddiga doorashooyinka Somaliland (Komishanka), ay dhammaantood ka turjumayeen waayo-aragnimo, biseyl siyaasadeed, iyo isu dulqaadasho dhinacyada kala duwan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay inay ka go’an tahay in la baahiyo dimoqraadiyadda dalka, la xoojiyo isla xisaabtanka shacabka, iyo in doorasho qof iyo cod ah la qabto si loo gaaro horumar iyo barwaaqo guud ahaan dalka.