Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: November 8, 2024
5 Min Read
Share

Muqdishoโ€ฆ..1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, isla markaana sharraxay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Raโ€™iisul Wasaaraha Jarmalka, Mudane Olaf Scholz, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamanka Federaalka ka codsadey inay dib u dhigtaan fasaxooda muddo bil ah, kana shaqeeyaan sharciyada xisbiyada iyo arrimaha doorashada ee dalka. Baarlamanka ayaa aqbaley codsiga Madaxweynaha.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns.

5-Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jarey xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka ee XDS.

6-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa booqday Xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

9-Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon.

10-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

11-Raโ€™iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Heyโ€™adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Bariga Badda Mediterranean, Marwo Dr Hanan Balkhy.

12-Raโ€™iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens.

13-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Bandhigga 8-aad ee Buugaagta ee Muqdisho oo ay ka qeybgelayaan aqoonyahanno, macallimiin, arday iyo qorayaal Soomaaliyeed.

14-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay Kor u Qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay Magaalada Qaahira.

15-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley galey kulanka 12-aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12.

16-Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo ka qeyb galay kulanka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda doorashada tooska ah ee cod iyo qof.

17-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimeynta qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista, maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.

18-Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada, xisbiyadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

19-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan sagootin ah magaaladda Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

20-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025-ka oo gaareyso $1,359,714,328 dollars.

21-Wasiirada Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha ayaa magaalada Muqdisho ka furay mashruuca ssIsku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

22-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Shirwaynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.

23-Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa dalka Britain uga qeybgalay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo sannadkan diirradda lagu saaray wada-shaqeynta booliska caalamka iyo ka hortagga dambiyadda khataraha ah.

24-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal ayaa booqatay xarunta sheybaarada diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

25-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa ka guddoomay Midowga Yurub gaadiid ciidan iyo agabyo kale oo muhiim ah.

26-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kormeeray xarunta sheybaarada loogu talagalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

27-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin ayaa booqday sheybaarada lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

28-Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa 27 maleeshiyaad Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Cabdicasiis Maxamuud oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Poland

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aan deganayn Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa warqadaha aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Poland Andrzej Duda.…

Gudaha
July 4, 2025

DF oo qabatay kulanka dib-u-eegista mashaariicda uu maalgeliyo xafiiska deeqaha iyo horumarinta ee Jarmalka

Muqdisho.(SONNA):- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulankii labaad ee dib-u-eegista mashaariicda ay maalgeliso Dowladda…

GudahaWararka
January 19, 2025

Hey’adda Socdaalka oo daahfurtay tababar la xiriiray sugidda xuduudaha dalka

Qeybtii 2aad tababar aqoonkororsi ah oo ku saabsan Isbarbardhigga qiimeynta sugan ee aqoonsiga rakaabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho loogu qabtay…

Gudaha
November 7, 2025

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Muqdisho,(SONNA): Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka…

GudahaWararka
October 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023