In ka badan 50 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel ee guud ahaan Gaza, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera, iyadoo ugu yaraan 42 ka mid ah dhibanayaasha lagu dilay waqooyiga Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan ayaa ku warrantay in ciidamada Israaโiil ay dileen 52 qof ,ayna ku dhaawaceen tiri badan 161 duullaan oo ka dhacay waddanka 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Lix ka mid ah nabad-ilaalinta Malaysian ah oo ka tirsan Ciidanka Qaramada Midoobay ee ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaaray waxa lagu soo warramay inay Israaโiil duqayn ku qaadday baabuur u dhowaa oo saddex qof lagu dilay magaalada Sidon ee Lubnaan.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,469 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 102,561 ,halka gudaha Lubnaan, ugu yaraan 3,102 qof lagu dilay 13,819 kalana lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday.