Muqdisho(SONNA):-Masuuliyiin ka socota Wasaraddda Ganacsiga iyo Wershadaha iyo Safaaradda Soomaaliya ee wadanka konfurta Suudaan ayaa ka qeybgalay bandhig carweedka , shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexe, oo Soomaaliya kusoo bandhigtay horumarada laga gaaray dhinaca ganacsiga iyo hiddaha iyo dhaqanka.
Bandhigga Ganacsiga, shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexe ayaa lagu dhiirigelinayaa xirfadaha iyo hal-abuurka shirkadaha ganacsiga Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaanta konfureed ayaana halkaas kusoo bandhigay harumarada ay ka sameeyeen dhinaca hal-abuurka ganacsi iyo dhaqanka Suuban ee Soomaalidu leedahay.
Sii haaya Safaaradda Soomaaliya ee konfurta Suudaan Yaasiin Xasan Seed oo ka hadlay bandhigga Carweedka ayaa sharaxay muhiimadda ay dalkeena u leedahay ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyo in Soomaaliya wax badan kusoo kordhiyeen ganacsiga iyo isu socodka gobolka.