Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    RW ku-xigeenka labaad ee Dalka oo ka qeyb galay saxiixa heshiiska iskaashiga Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga
    March 28, 2026
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo
    March 28, 2026
    RW Xamsa oo warbixin ka dhageystay Wasiir Cabdiqaadir
    March 28, 2026
    Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir
    March 28, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika
    March 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Howlgalka UNTMIS oo billaabay howlgalladiisa Soomaaliya 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Howlgalka UNTMIS oo billaabay howlgalladiisa Soomaaliya 
GudahaWararka

Howlgalka UNTMIS oo billaabay howlgalladiisa Soomaaliya 

By Kanaava Mohamed
Last updated: November 2, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa hawgalladiisa billaabay shalay oo ay taariikhdu aheyd 1 November, isagoo beddelaya Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in UNTMIS uu xaqiijinaya sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan.

“Waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta” ayuu yiri James Swan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar, kaas oo aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota UNTMIS.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS iyadoo diiradda lagu saarayo hawlaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya, Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay qaraarka ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

RW ku-xigeenka labaad ee Dalka oo ka qeyb galay saxiixa heshiiska iskaashiga Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa…

March 28, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee UNHCR ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Isaak Maxamuud Mursal, ayaa Talaadadii Muqdisho ku qaabilay aqoonsiga wakiilka cusub…

GudahaWararka
March 13, 2024

Shir looga hadlayo cirib-tirka khawaarijta oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta ka…

GudahaWararka
April 4, 2023

Kulan looga hadlayay la dagaallaanka musuq maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa…

Wararka
December 30, 2020

Taliyaha xoogga oo booqasho howled ku maraya Gobolada Dhexe

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Caabud-waaq Ku sugan ayaa kormeer Ku tagay Xerada Gaaska 11-aad ee…

Wararka
May 26, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023