Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š
GudahaWararka

๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

By Kanaava Mohamed
Last updated: October 31, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa Warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiim san yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

๐‡๐š๐๐š๐›๐š, ๐ฌ๐ข๐๐š๐ญ๐š๐ง ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ง ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ˆ๐Œ๐…,

Kooxda IMF ee ay hoggaaminaysay ๐Œ๐ฌ. ๐‹๐š๐ฎ๐ซ๐š ๐‰๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ ayaa wadaxaajood ay la yeelatay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž, kulamadaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ๐‚ iyo ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ง๐›๐ฎ๐ฅ ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, kulamadaas kadib, IMF ayaa soo saartay Warbixintaan hoos ku xusan oo aan dulmarkeeda idiin soo turjimnay,

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ฎ,

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka. Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba. Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hayโ€™adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo. Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta. Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha. Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga. Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale Dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka. Ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

๐”๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ฒ๐ง, Xafiiska Howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wadahadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Badroolka, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Dowaldda Soomaaliya..

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa uu kulan muhiim…

GudahaWararka
July 29, 2025

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay…

GudahaWararka
October 10, 2024

Xoojinta Iskaashiga Dowlad Wanaagga: Hantidhowrka Guud Muxuu Boqashadiisii Oslo, Norway, kala soo laabtay?

Oslo, (SONNA: Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gabagabeeyay booqasho aad muhiim…

GudahaWararka
September 19, 2024

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo furmi doono 9ka Oktoobar

Muqdisho-(SONNA)- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo…

Wararka
October 5, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023