Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š
GudahaWararka

๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

By Kanaava Mohamed
Last updated: October 31, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa Warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiim san yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

๐‡๐š๐๐š๐›๐š, ๐ฌ๐ข๐๐š๐ญ๐š๐ง ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ง ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ˆ๐Œ๐…,

Kooxda IMF ee ay hoggaaminaysay ๐Œ๐ฌ. ๐‹๐š๐ฎ๐ซ๐š ๐‰๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ ayaa wadaxaajood ay la yeelatay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž, kulamadaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ๐‚ iyo ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ง๐›๐ฎ๐ฅ ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, kulamadaas kadib, IMF ayaa soo saartay Warbixintaan hoos ku xusan oo aan dulmarkeeda idiin soo turjimnay,

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ฎ,

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka. Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba. Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hayโ€™adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo. Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta. Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha. Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga. Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale Dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka. Ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

๐”๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ฒ๐ง, Xafiiska Howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wadahadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Badroolka, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Dowaldda Soomaaliya..

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Daa’uud Aweys” Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa bahda Warbaahinta oo si weyn ugu qeyb qaatay tebinta Doorashooyinka,”

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo ka hadlay doorashooyinka qof iyo codka ee…

GudahaWararka
December 25, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee…

GudahaWararka
July 25, 2024

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo qaabbilay taliyaha Booliska ATMIS

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Ahmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidanka Boliiska hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS…

GudahaWararka
March 28, 2023

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare…..

Muqdisho(SONNA):-Daaโ€™uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana oo loo heystay in uu dil bareer ah…

GudahaWararka
May 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023