Muqdisho(SONNA):-Xubnaha Guddiyada arrimaha Bulshada iyo khayraadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay Aqoon is-waydaarsi ku saabsan Gaaritaanka Yoolka Hormarka Waara ee Nafada, Yoolka Hormarka Waara ee Caafimaadka, Yoolka Hormarka Waara ee Waxbarashada iyo Yoolka Hormarka Waara ee Biyaha iyo Nadaafadda.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafa guray arrimaha la xidhiidha horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gaaritaanka yoolalka horumarka waara ee dhinacyada nafaqada, caafimaafka, waxbarashada, biyaha iyo nadaafadda, iyadoo xoghayaha guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed uu faahfaahiyay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha lagu falanqaynayo.
Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Sanatar Cismaan Maxamuud Dufle, oo wada jir furitaanka kulanka ka hadlay ayaa faahfaahiyay muhiimadda kulanka, iyagoo ku dheeraaday muhiimadda ay dalka u leedahay helitaanka bulsho nabdoon oo ka dheeli tiran caafimaadka, waxbarashada iyo xuquuqaadka kale ee muhiimka a dhanka kale Sanatarradda ayaa xusay faa’iidada ay u leedahay in la helo bulsho dheelli tiran oo haysta asaasiyaadka nolosha.