Muqdisho, (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday hirgelinta qorshe ballaaran oo loogu talagalay in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo abuurka ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qorshahan oo lagu magacaabo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, ayaa ah mid lagu doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo isbeddel muuqda oo la taaban karo oo dhinaca wax soo saarka, shaqo abuurka, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo dhawaan ay daah-fureen madaxda sare ee Qaranka, ayaa waxaa dooddo adag laga yeeshay dhinacyada kala duwan ee uu saameynayo qorshaha, iyada oo khubaradu ay soo bandhigeen qaabka ugu habboon ee dalkeennu ku gaari lahaa isku-filnaansho dhan walba ah.
Qorshahan waxa aasaas looga dhigay guulaha lagaย soo hooyay Qorshaha Houmarinta Qaranka 9-aad oo kaalin wayn kasoo cayaaray geedi-socodkii deyn cafinta dalka, waxa uuna jeexayaa khariidad istiraatijiyadeed oo ku saleysan isbeddelka dhaqan-dhaqaale ee ay Soomaaliya hiigsaneyso.
QIQ wuxuu hagi doonaa dadaallada horumarineed ee shanta sano ee soo socota, iyadoo la waafajinayo Hiigsiga Qaran ee Soomaaliya 2060 iyo ajandayaasha horumarineed ee caalamiga ah sida Yoolalka Horumarka Waara (SDGs) iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063.