Muqdisho (SONNA): Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey maanta kulan fogaan-arag ahaa oo uu Xafiiska Hantidhowrka Guud la yeeshay Bahwadaagtiisa Caalamiga ah. Kulankan ayuu Abuukaate Guutaale ku xusay horumarka iyo kobaca uu XHG sameeyey 6-dii bil ee ugu dambeeyey, guulihii uu gaaray, caqabadaha jira iyo hiigsiyada sanadka 2025. Hantidhowraha Guud waxa uu saaxiibbada caalamiga ah uga mahadceliyey garab-istaagooda.
Madaxda Waaxyaha Xafiiska ayaa si kooban ugu soo bandhigay kulanka waxqabadka Xafiiska ee sanadkan 2024, wada-shaqaynta XHG iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, iyo siyaasadda taageerada Xafiiska oo ay ka mid yihiin hortabinnada istiraatiijiyadeed iyo buuxinta firaaqyada jira.