Muqdisho(SONNA):-Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema iyo wafdi uu hogaaminaayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiir Cumar Cali iyo Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay xoojinta Amniga gobolka iyo halista Argagixisada.
Waxaa kale oo ay kawada hadleen sida loo dardar galin karo dagaalka Khawaarijta.