aamulka gobolka Hiiraan,gaar ahaan kan Degmada ee Magaalada Baladweyn ayaa tababar aqoon-kororsi ah oo kor loogo qaadayo kobcinta doorka Haweenka u soo xiray qaar kamid ah Haweenka gobolkaas.
Tababarkaan oo muddo shan cisho ah u socday haween ka kala socday shanta degmo ee gobolka Hiiraan,waxaa looga hadlaayey kaalinta haweenka ee ay ka geysan karaan dhinaca nabada iyo amaanka.
Tababarkaan oo loo qabtay haween gaaraya 100 ruuwaxaa casharro ka bixiyay Caasha C/lle Cismaan oo kamid ah ururada haweenka ee gobolka.
Xiritaankii tababarkaasi waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Baladweyn Cumar Cisaan calasoow iyo taliyw ku xigeenka qeybta boliiska Muuse Cabdi.