Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maalintii labaad si rasmi ah ugu socda magaalada muqdisho Shirka Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha, kaas oo diiradda lagu saarayo fursadaha maalgashi ee ka jira dhanka beeraha ee Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya ganacsato, maalgashadayaal caalami ah, iyo khubaro ku takhasustay beeraha, iyagoo wadaagaya aragtiyo iyo fikrado ku saabsan horumarinta, wax-soo-saarka beeraha, ganacsiga iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro horumar waara oo dhinaca beeraha ah.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan shalay ka furay Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.