Kismaayo, (SONNA):- Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 43-aad, ayaa maanta loo soo xiray tababar ku saabsan isticmaalka qalabka isgaarsiinta, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.
Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyadoo ujeedkiisu ahaa in sare loo qaado aqoonta ciidamada ee dhinaca isgaarsiinta.
Madaxa Saadka qeybta 43-aad, Kabtan Cabdimaliik Careys Xuseen, ayaa soo xiray tababarkan oo ka dhacay magaalada Kismaayo, isaga oo xusay muhiimada ay u leedahay ciidamada inay si xirfad leh u isticmaalaan qalabka isgaarsiinta si kor loogu qaado isku xirka iyo wada shaqeynta gudaha ciidamada.