Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta oo daahfurtay kulan heer sare ah si loo hirgeliyo qorshaha isgaarsiinta degdegga ah

By Kanaava Mohamed
Last updated: September 24, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah (NETP).

Kulanka, oo uu furay Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Maxamed Adam, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka, Hayโ€™adda Maareeynta Musiibooyinka, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, wakiilo ka socda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo sidoo kale wufuud ka socota ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka Isgaarsiinta Caalamiga, ITU, Ururka Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobilka (GSMA), UNICEF, IFRC, UNDP, iyo Bangiga Adduunka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Yasin Sheekh, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee ku aaddan ilaalinta isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, isagoo yiri: “Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah waxay si weyn ugu tiirsan tahay ka-qaybgalka firfircoon ee shirkadaha isgaarsiinteenna. Kaabayaashooda, adeegyadooda, iyo aqoontooda farsamo ayaa udub dhexaad u ah qaab-dhismeedka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah ee Soomaaliya. Qorshahan waa muhiim si loo hubiyo in kaabayaasha isgaarsiinteenna ay sii ahaadaan kuwo shaqeynaya oo lagu kalsoonaan karo xilliyada musiibooyinka.โ€

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Macallin Aadam, ayaa intii lagu guda jiray xafladda furitaanka yiri, โ€œIsgaarsiintu waxay muhiim u tahay gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, kulankan maanta wuxuu muujinayaa sida ay nooga goโ€™an nahay ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxaan hiigsaneynaa inaan dhisno kaabayaal isgaarsiineed oo adag oo adkeysi leh, kuwaas oo si wax ku ool ah uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah islamarkaana kor u qaadi kara awooddeena qaran ee maaraynta musiibada, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta .”

Mas’uuliyiin ka socda Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) iyo GSMA ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka, iyagoo bixiyay aragtiyo ku saabsan Fulinta NETP, Habka Digniinta Guud (CAP), iyo Nidaamyada Digniinta Hore ee ku Shaqeeya Farriimaha Mobilka (CB EWS), kuwaas oo muhiim u ah faafinta digniino degdeg ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah.

Kulan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu qeexo doorarka iyo mas’uuliyadda ku aaddan hirgelinta qorshaha NETP, si loo hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ay gacan ka geystaan nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah.

Natiijooyinka kulankan ayaa la filayaa inay si weyn u xoojiyaan qaab-dhismeedka Qorshaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka, taasoo ugu dambeyn horseed u ah isku-duwidda dhinacyada ay khusayso iyo ka-hortagga xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Bakool (SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Baay, ayaa khaarajiyay horjoogayaal…

GudahaWararka
November 9, 2025

Madax iyo Masuuliyiin kala duwaan oo ku tukaday salaadda Jannaasada marxuumada Khadiija Maxamed Diiriye

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Qaranka ayaa Garoonka Diyaaradaha Aaddan Cabdulle Cismaan si…

GudahaWararka
December 21, 2023

Ciidamada jabhadda Amxaarada oo kaabiga ku haya caasimada Addis ababa

Muqdish,(SONNA):-Ciidamada Jabhadda Amxaarada ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta…

GudahaWararka
January 26, 2024

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐‹๐š๐œ๐š๐  ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐ข๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐งYeeshay

Midship,(SONNA):- Kulanka guddiga oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa looga dooday sidii loo…

GudahaWararka
July 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023