Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya
Wararka

Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya

By Sonna Whiteka
Last updated: September 14, 2024
2 Min Read
Share

Nairobi (SONNA)- Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Iskuulada Tacliinta Sare ee Kenya.

Ardayda ayaa waxa ay Safiirka uga warbixiyeen xaaladooda waxbarasho ee dhanka Tacliinta Sare, iyagoo warbixin ka siiyay caqabadaha mararka qaar soo wajahda ardayda oo ay codsadeen in Safaaraddu ay wax ka qabato.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ardayda u sheegay in Safaaraddu ay markasta u furantahay oo ay wax kala qabaneyso wixii caqabad ah ee la soo gudboonaada.

“Farxad ayay ii tahay inaan martigeliyo arday Soomaaliyeed oo ka kala socday machadyada tacliinta sare ee Kenya. Ardaydu waxay nala wadaageen caqabadaha soo wajaha & hannaanka ay Safaaraddu ugala shaqayn karto wax ka qabashada arrimahan. Sidoo kale waxaan diiradda ku saarnay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya, waxa ay u abuuri doonaan fursado cusub ardaydeena, korna u qaadi doonaan iskaashiga aqooneed ee labada dal. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadalka iyo iskaashiga aan la leenahay Ardayda si loo xaqiijiyo guusha ardaydeena ku sugan gudaha #Kenya”. Ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim.

Sooomaaliya marka ay dhameystirto ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxa ay ardayda Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan inay si toos ah wax uga bartaan iskuulada ku yaala dowladaha xubnaha ka ah Ururka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):-Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Ilhan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman.

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa hambalyo u diray Ilhan Omar, Omar Fateh iyo…

Wararka
August 12, 2020

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waxa cuno qabataynta hubka laga qaadi doonaa bilowga bisha December

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada…

GudahaWararka
November 25, 2023

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee…

GudahaWararka
April 28, 2024

Duqa Muqdisho oo soo xiray tababar ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tababar socday muddo 3-cisho oo loo…

GudahaWararka
August 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023