Muqdisho, (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar shaqo oo miro-dhal ah uu ku joogay magaalada Baydhabo.
Safarkan oo socday maalmo ayaa lagu soo gabagabeeyay howlo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre intii uu ku sugnaa Baydhabo waxa uu kulan la yeeshay madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarinta amniga, dhaqaalaha, iyo dib u heshiisiinta.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray mashaariic horumarineed oo la fulinayo, isagoo booqday terminalka garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaas oo la keenay qalab casri ah oo gacan ka geysan doona horumarinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo guud ahaan gobolka Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta deegaanka iyo odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha dadaalka uu ku bixinayo taageerada maamulka Koonfur Galbeed.