Yerevan, (SONNA): Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Meertada 10aad ee shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka, kaas oo ka socda magaalada Yerevan ee dalka Armenia.
Mawduucyada sanadkan shirka looga doodayo waxaa kamid ah:
1- Waxbarashada iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.
2- Ka hortagga marin-habaabinta dhalinyarada.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku metelaya Xildhibaan Abdirizak Adam Warsame (Xusul), Senator Ayan Adan Abdullahi, iyo Senator Saed Abdi Hussei.
Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa dhalinyarada ka tirsan baarlamaanada adduunka isku soo ururiya si ay u falanqeeyaan mowduucyo muhiim ah oo saameyn ku leh dhalinyarada.