Muqdisho (SONNA) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen Maandooriyaal halis ku ah bulshada Caasimadda, kaas oo lagu gubay duleedka degmada Kaaraan.
Goobta lagu soo bandhigayay Maandooriyahaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Macalin Mahdi iyo saraakiil kale.
Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha iyo adeega Internet-ka ee loo yaqaano 1xpet uu caqabad ku yahay xasiloonida Caasimadda iyo horumarka bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha iney ka waan toowaan cidii lagu soo qabtaana sharciga lala tiigsan doono