Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano
Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano

By Sonna Whiteka
Last updated: August 23, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo jirsatay labo sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guulaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si guul leh uga hortagtay kooxda Khawaarijta, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Hawlgalladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday guusha weyn ee ay xukuumaddu ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay meelmarisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista. Tallaabooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo ka qeyb-galkooda kulanka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Finland oo Ergay u soo magacawday arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Helsinki-(SONNA)-Dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Africa, ka dib…

GudahaWararka
January 24, 2024

Xukuumadda oo beenisay warbixinta QM ee ku lug lahaanshaha ciidan Soomaaliyeed colaadda Itoobiya

Muqdisho...(SONNA)...Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa…

GudahaWararka
June 10, 2021

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika.

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika…

GudahaWararka
January 4, 2023

 Ra’iisul wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Garowe  

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa  gaaray magaalada Garoowe, si uu uga qayb galo aaska Allaha u…

Wararka
July 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023