Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay
Wararka

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay

By Sonna Whiteka
Last updated: August 23, 2024
4 Min Read
Share

Kampala (SONNA) – Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Gen. Jeje Odongo Abubakar

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Barriga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah kuwa ardayda wadamada xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika marka ay timaado kharashka waxbarasho ee ay bixiyaan ardayda ajaanibtu, isagoo siihayuhu ka codsaday Wasiirka in hirgelinta arrinkaas uu gacan ka geysto.

Sidoo kale Siihayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isusocodka dadka labada dal, iminka waxa Visa-ha habkaas ku qaata dadka wata Baasaboorada Diblomaasiga iyo kuwa shaqada.

Ugu dambeyntii Siihaye Cabdilatiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taasoo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal, isagoo siihayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ay qabanqaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada “East Africa Community” ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay dalalka Ururka EAC oo dadkoodu Uganda visa la’aan soo gala.

Arrinka qaxootiga ayuu sheegay in uu dabagal ku sameynayo kalana hadlayo hay’adaha ay khusayso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hay’adda Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Qaxootiga iyo Xafiisk Raysul-Wasaaraha Uganda, si dhaqso ahna ula xariirayo hay’adahaas waxii jawaab ahna dhawaan safaaradda lasoo gaarsiin doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhowaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan iyadoo lagu balamay in waxii laga wada hadlay oo dhan si deg deg ah wax looga qaban doono.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha

Nayroobi (SONNA)- Nofeembar 12, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah…

Wararka
November 12, 2019

Shirka wada tashiga oo maanta ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (SONNA)-Shir wata tashi Qaran ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha dalka mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta…

GudahaWararka
July 12, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo kula la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNOCHA

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Xarunta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku qaabilay Wafdi Sare oo ka…

GudahaWararka
May 27, 2024

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay deegaannada Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga Tuulada Budbud ee gobolka Galgaduud. Taliyaha…

GudahaWararka
April 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023