Muqdisho, (SONNA): Admiral Faarax Qare oo wareysi siiyay Warbaainta Qaranka ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar isaga oo ku tilmaamay mid daliil u ah dadaalka joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku xoojinayo xiriirka labada dal.
Admiral Faarax ayaa ka dhawaajiyay in heshiiskan loo arko guul taariikhi ah, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu ahaa mid soo jireen ah, mar walbana uu ahaa mid ka dhow kan isku xira Soomaaliya iyo inta kale ee dalalka Carabta.
Wuxuu intaas ku daray in Masar ay kaalin muuqata ka qaadatay taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in ay Soomaaliya ka caawisay dhanka hubka dagaalkii 1977kii.
โDifaaca Masar ee Soomaaliya waa mid muhiim u ah danaha Qaranka Masar, sababtoo ah Bab al-Mandab waa marin laga galo kanaalka Suweys oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Masarโ.
Admiral Faarax Qare ayaa carabka ku adkeeyay in heshiiskan uu door ka qaadanayo sidii loo gaari lahaa danaha guud ee labada dal, isla markaana loo arko in uu gundhig u yahay kor u qaadista xasiloonida joogtada ah ee gobolka.