Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: August 9, 2024
5 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ay laamaha amniga kaga arrinsanayeen weerarkii argagixisada Khawaarijta Al Shabab ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo dhalinyaro aan waxba galabsan lagu laayey.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoysaska iyo ehelkii dadkii ay Khawaarijta ku dileen weerarkii Xeebta Liido, isagoo ballanqaadey in DFS ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay war murtiyeedka ka soo baxay shirweynihii labaad ee culumada diinta oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkii lagu qaadey Xeebta Liido, laguna dilay dhalinyaro aan waxba galabsan uu ahaa mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi diray shacabka iyo qoysaskii dhalinyaradii lagu dilay weerarkii Xeebta Liido.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido isagoo sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, waxaana uu ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana fogaadaan kala qeybsanaan.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan Urur Goboleedka Bariga Africa.

9- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Asxaabta iyo Ururrada Siyaasadda ee Dalka.

10- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay shir degdeg oo looga warbixinayey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Xeebta Liido.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamad ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii Khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

12- Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay dibadbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan weerarkii Khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

13- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaaku bogaadiyay isbitaallada magaalada Muqdisho sida hufan ee ay ugu adeegeen shacabkii ku dhaawacmey weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa guddoomiyay kulan looga hadyay xoojinta amaanka magaalada Muqdisho.

15- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii kooxda Khawaarijta arxanka-daran ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

16- Ciidamada Qalabka Sida ayaa gacanta ku soo dhigay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo Khawaarijta u qaabilsanaa ururinta lacagaha baadda ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtey afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

18- WasiirkaWaxbarashada ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey sidii loogu gurman lahaa shacabka ku waxyeeloobay weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

19- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa soo xiray kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lix bilood oo xarig ah ku xukuntey dhallinyaro barfaha bulshada ka wadey falal kicin bulsho iyo naceyb. Waxaana xukunkani uu fariin u diraya dhammaan dadka sida xun u isticmaala baraha bulshada.

21- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororka dhaqaalaha ee dalka uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga dalka.

22- Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa u tacsiyeeyay dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday Xeebta Liido.

23- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa magaalada Makka Al Mukarama uga qaybgalay shirka Wasiirada Awqaafta ee dalalka Islaamka.

24- Wafdi ka socda Urur Goboleedka Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka magaalad ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista.

==============DHAMMAAD==============

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XfS oo heshiis la saxiixday Hey’adda IFC oo xubin ka ah World Bank Group.

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha XfS, ayaa maanta la saxiixday laba heshiis oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka…

GudahaWararka
November 15, 2020

Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay COVID-19

Muqdisho'(SONNA) Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteedii maalinlaha aheyd ee cudurka Covid 19 ayaa ku shaacisay tiradii ugu badneyd…

Wararka
April 21, 2020

Wasiir Cali-xoosh oo kulamo la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Jowhar

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo shaqo ku jooga Hirshabeelle ayaa waqti la…

GudahaWararka
January 22, 2025

Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)

Alshabaab ayaa dadka u ballaminaya hadal-jeedinta mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ugu arxanka daran, waa Mahad Karatee. Waxay na…

GudahaMaqaallada
September 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023