Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda
GudahaWararka

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda

By Sonna Whiteka
Last updated: August 8, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo socday muddo saddex cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qodobada lagu heshiiyay

1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2) 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (𝐋𝐀𝐂): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Madasha waxa ay isku raacday soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/hey’ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo iyo lambar lagu hubinayo.

3)𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐟𝐢𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta sida saxda ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

4)𝐐𝐨𝐫𝐦𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐬𝐭𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐚𝐡𝐚: Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Mas’uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore go’aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023. Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kasta gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐑𝐂𝐑𝐅-𝐈𝐈𝐈:

Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho (SONNA); – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Xustay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta Carruurta

Kulanka xuskaan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga XFS ,Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,Ururada…

Wararka
February 12, 2021

Madaxda Sportiga dalka iyo Gobolka Banaadir oo  booday xarunta wasaaradda oo lagu sameeyay dayactir iyo qalabeyn

Muqdisho.SONNA...Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirrada dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir,ayaa booqday…

Gudaha
March 17, 2023

Ku-simaha duqa Muqdisho oo kormeeray Waddooyin ay ka socdeen dadaallo dib u habeyn ah+SAWIRRO

Muqdisho (SONNA)- Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane, Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay kormeeray…

Wararka
November 7, 2020

Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)

Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii sano ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala…

GudahaMaqaallada
January 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023