Kismaayo, (SONNA): Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Yusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa maanta deeq xoolo ah kala wareegay Odayaasha Dhaqanka deegaanadii dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta ee gobolka Jubbada Hoose.
Deeqdan ayaa isugu jirtay 20 Neef oo Geel ah, 50 Ari ah iyo $20,000 oo doolar oo loogu talagalay ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta oo toddoobaadyadii la soo dhaafay xoreeyey deegaano muhiim ah.
Wasiirka ayaa waxaa ku wehliyay munaasabada Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka Jubbaland iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland Gen. Ismaaciil Saxardiid Keydsane.