Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga

By SB
Last updated: August 3, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laammaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saamaynta Isbeddelka Cimiladu ku yeesho deegaanka

Muqdisho(SONNA):-Axmed Nuur Cusmaan oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha Cimilada iyo deegaanka ayaa si qoto dheer uga hadlay isbeddelka Cimilada…

GudahaWararka
February 3, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS “Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado”

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is…

GudahaWararka
March 23, 2024

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo daah furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Muqdisho(SONNA:-Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda…

GudahaWararka
December 7, 2024

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Xudeydi

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaya magaca Dowladda…

Wararka
April 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023