Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt
    January 11, 2026
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: August 2, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA….1-   Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Diinta Islaamka ee Soomaaliyeed, xusayna mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culumada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

2-    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayip Erdogan, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

3-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatey dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

4-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida gaar ahaan Guutada Birjeex ee ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan jab xooggan u geystay Khawaarijta Al Shabab.

5-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo soo xiray Shirweynaha 2aad ee culumada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayey midnimada culumada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

6-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

7-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta oo looga arinsanayey horumarka laga sameeyay barnaamijka xasilinta ee degaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

8-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo muhiimmadda uu u leeyahay horumarka dalka.

9-    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Falastiin ee Xamaas Marxuum Ismaaciil Haniyaha oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

10- Shirweynihii Culumada Diinta Islaamka ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in la dedejiyo dhameystirka dhismaha Golaha Culumada Soomaaliyeed.

11- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in la joogteyn doono daryeelka carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askarta ku dhimatey dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta.

12- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynaayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo shaqada.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhimad gaar ah siineyso hawlaha xasllinta ee laga fulinaayo deegaanadda laga xoreeyey Khawaarijta.

16- Cabbaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala degmada Hobyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Barlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyeey soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahayd in Ciidamadda Badda ee Turkiga loo diro Xeebaha soomaaliya si’ ay uga qeyb noqdaan dadaalada lagu sugayo badda Soomaaliya.

18- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada Baarlamanka Turkiga uu ku ansixiyay go’aan ay Dowladda Turkiga Soomaaliya ugu soo dirayaan Ciidamada Badda ee ka hawlgeli doona Xeebaha Soomaaliya.

19- Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabadda Xuska todobaadka Naas Nuujinta Aduunka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladaha amniga iyo nolosha ku maraya degaanno ka tirsan gobollada Hirshabeelle.

21- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa bixiyey amar lagu adkaynayo amniga Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xabsi ku xukuntey Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu helay dembi ah lacag dhaqid.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mudane Cali Yuusuf Cali…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya  madane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG…

GudahaWararka
August 20, 2023

Dib-u soo noolaynta Cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka gobolka Bakool (Warbixin)

Bulsho kasta oo deegaan ku nool waxay leedahay dhaqammo iyo ciyaaro u gaar ah ,waxaana jira cayaaro aad looga xiiseeyo…

GudahaMaqaalladaWararka
March 12, 2020

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Muqdisho.(SONNA):- Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle si rasmi ah uga bilowday ololaha diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo…

GudahaWararka
July 13, 2025

Masar oo ammaantay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkeeda wax ku barata+Sawirro

Qaahira-(SONNA)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar , ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire; Ilyaas Sheekh Cumar oo kulan la…

GudahaWararka
November 4, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023