Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: July 25, 2024
6 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Jubbaland ay u jebiyeen Khawaarijta Al-Shabaab ee soo weerarey degaannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaaโ€™udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

3-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Sheikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani Kulankaasi ayaa looga wadahadley xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

4-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Shirkan ayaa hal ku dhiggiisa ahaa โ€œJiheynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeedโ€ si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah.
5-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, caalimkii weynaa ee diinta Islaamka Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

6-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle ee Jubbaland.

7-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Barnaamijka Xasilinta ee heer wasiir.

8-Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdi uu hoggaaminayo.

9-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho dhiriigelin ah ku tagey xerada Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan jab xooggan u geystay argagixisada Al Shabaab.

10-Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Waxaa kale oo Golaha uu kulankiisa ku ansixiyay qaraarka mamnuucidda ka ganacsiga hubka iyo saanadda ciidanka. ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

11-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar oo magaalada Acrra ee dalka Ghana kaga qaybgalay shirweynaha 6-aad ee bartamaha sanadka ee isu duwidda hawlaha qorshaysan ee horyaalla guddiyada kala duwan ee Midowga Afrika iyo sidoo kale Kalfadhiga 45-aad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Midowga Afrika.

12-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim kulan la yeeshay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Saeed. Kulanka waxaa looga hadley xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo Hayโ€™adda UNICEF.

13-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hayโ€™adda IOM oo Muqdisho ku soo dhoweeyay 7 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.

14-Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley shirka 27-aad ee Guddiga Keymaha iyo Toddobaadka Keymaha Adduunka.

15-Guddoomiyaha Baarlamanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph NTAKIRUTIMANA oo booqasho ku jooga Muqdisho ayaa khudbad ka jeediyay kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

16-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray shir hawleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Qatar martigelinta shirka qurbajoogta Soomaalida oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dooxa.

18-In ka badan 130 horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu laayey deegaanadda Buulo-Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee Gobalka Jubbadda Hoose. Hawlgalkan waxaa iska kaashadey Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubaland.

19-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo milateri ka fuliyay degaannada Ruunirgood iyo Mesagawaa oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo Khawaarijtu lagu gaarsiiyeey khasaaro dhimasho ah.

20-Ciidamadda Xogga Dalka iyo Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hawgalo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabaab ka fuliyay deegaanka Jameecadda ee gobolka Bay.

21-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen oo xarigga ka jarey mashaariic horumarineed oo laga fuliyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

22-Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya oo magaalada Kismaayo ka furtey shir lagu mideynayo shatiyada ganacsiga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
23-Shirka Diyaarinta Qorshaha Dib u Heshiisiinta Qaran ee shanta sanno ee soo socota oo magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay.

24-Horjooge Cabdi Maxamed Caraaye oo muddo 14 sanno xubin ka ahaa Khawaarijta Al Shabab, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga Galmudug oo sagootiyay Ciidamo ka qeyb galaya howlgalka xorreynta degmada Xarardheere

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Amniga Galmudug, ย Maxamed Cabdi Gaboobe oo ay wehliyaan xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa deegaanka Saqiiro ee koonfurta…

GudahaWararka
January 14, 2023

Munaasabad lagu soo dhaweynayo diyaaradda Egypt Air oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho. (SONNA): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka dhacday munaasabad lagu soo dhaweynayay diyaaradda Egypt Air…

GudahaWararka
July 12, 2024

Soomaaliya iyo Ciraaq oo yeelanaya iskaashi ku saabsan maareynta musiibooyinka

Kuait city-(SONNA)-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait city kula kulmay wasiirka wasaaradda…

GudahaWararka
February 13, 2025

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Aljeer (SONNA) โ€“ Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay…

GudahaWararka
September 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023